Skip to content
Artwork for Kabasho
Health & FitnessMental HealthReligion & SpiritualityIslamSociety & CultureRelationships

Kabasho

Hamda Hussein

Kabasho waa taxane dhaymo-nafeed ah oo ay Hamda Hussein ku rajaynayso in uu fudayd iyo raysasho u horseedo cid kasta oo wehel ka dhigata ✨🌸 

Play
  • 20 episodes
  • Avg 33 min
  • Somali
  • S2 Β· E16
    June 4 Β· 41 min

    Ep:16; Burnout |Shufbeel Tamareed

    Daal aadan xeeldheeraantiisa ka faalloon karin wax kasta oo aad samaysayna aan suulaynin haddii uu ku hayo oo salkiisa aad gaadhi wayday armuu yahay 'shufbeel tamareed' ! Dhagaysi iyi dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E15
    April 13 Β· 29 min

    Ep:15; The Fear of Moving Forward|Ka Cabsashada Hore-U-Socodka

    Waligaa ma dareentay in markasta oo aad tallaabo horΔ™ u qaaddo Aad haddana dib u qaadayso? Cabsi maka dareentaa hore u socodkaaga nololeed? haddii jawaabtu 'Haa' tahay xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E14
    April 9 Β· 29 min

    Ep:14; Decision Fatigue|Ka daalidda go’aan qaadashada

    Haddii ay ku daaliyaan gaadhidda go'aamadu ha yaraadaan ama ha waynaadaane xilqaddan adiga ayaa iska leh, fahan sababaha ka danbeeya daalka ,fahankaasina haku dhaxalsiiyo in aad naftaada u dhibrisid oo u dhego nuglaatid. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E13
    Nov 18, 2025 Β· 40 min

    Ep:13; Maladaptive Daydreaming| La qabsan-Waa Iyo Maalin Riyood

    Haddii gudaha madaxaaga adduunyo kuu gaar ahi kaaga dhisantahay oo la qabsiga aad la qabsatay aawadeed aad adduunyadaada dibadeeda uga qawadid, xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E12
    Nov 9, 2025 Β· 31 min

    Ep:12; Dissociation| Maan Maqan Iyo Jidh Jooga

    Waligaa ma dareentay inaad nolosha dul sabbaynayso, in aad dareen ahaan kabuubyoonayso, in xasuusaha qaar yaraantaadii aanad waxbaba ka xasuusan? Haddii Jawaabtu 'HAA' tahay, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa fahanka naftaada. Dhagaysi wanaagsan🌸 Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E11
    Nov 7, 2025 Β· 30 min

    Ep:11; Parentification| Waalid ka Dhigid

    Waligaa ma dareentay in aad waalid tahay adiga oo aan waalidba noqon, yaraantaadiise ma dareentay in aadan noolaan caruurnimo kugu filan? Xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E10
    Oct 23, 2025 Β· 30 min

    Ep:10; The Scapegoat Child| Faquuqane

    Weligaa ma iswaydiisay maxay ayaa mar walba laguugu canaantaa wax aadan samayn, laguugu oogaa danbi aadan gelin, laguu faquuqaa ee qoyskiina qaab aadan garanayn kaaga dhigay? yaraantaadii haddii aad magac u heli kari wayday, waynaantaada u hel oo ka kabo . Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E9
    Sep 27, 2025 Β· 36 min

    Ep:9; Re-Parenting Yourself| Dib Isu-Ababin

    Kawaran haddii aad adigu dhayi karto nabar kasta oo yaraantii kaasoo gaadhay? Awooddaa hadii aad leedahay saw in aad adeegsato ma aha? Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E8
    Sep 26, 2025 Β· 40 min

    Ep:8; Self-Abandonment| Heedaddoow

    Waligaa xaaladdan heedaddoowga ah ma gashay? naftaada ma dayacday, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa in aad ka xuub-siibato. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E7
    Aug 31, 2025 Β· 35 min

    Ep:7; Panic Attacks| Naxdinta Soo Booddada ah

    Waligaa intuu wadnuhu si xawli ah kuu garaacay , dabadeed aad dhididday oo neeftu ku qabatay ma is tidhi waad dhimanaysaa? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa xaaladdaasi waxa ay tahay. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E4
    Feb 23, 2025 Β· 40 min

    Ep:4; Paranoia| Buufis

    Waligaa ma iswaydiisay 'Buufiska' ama 'Bacdu' wax ay tahay? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊

  • S2 Β· E1
    Sep 7, 2024 Β· 26 min

    Ep:1; Self-Stigma |Summad-Ceebeed

    Weli ma Iswaydiisay su'aasha ah 'maxay ayay dadku caawimo u dalban waayaan marka ay maskaxdoodu u baahato'? xilqaddan ayaynu kaga jawaabi doonnaa wax ka mid ah waxyaabaha dadka ka hor istaaga inay maskaxdooda u hiiliyaan. Ka falceli xilqaddan 😊

  • S1 Β· E50
    Aug 15, 2023 Β· 35 min

    Ep:50; Dib U Milicsi |Reflecting Back

    Xilqaddan waxaynu dib ugu milicsanaynaa safarkii kabasho ee sannadka iyo badhka soo socday, waxaynu kale oo wax iska waydiinynaa muhiimadda ay leedahay 'Kabashada-Dareen' iyo calaamadaha aad ku garan kartid. Dhagaysi wacan. Ka falceli xilqaddan 😊

  • S1 Β· E49
    Jul 8, 2023 Β· 47 min

    Ep:49; Sidkanaanta Dhaawacan |Trauma Bonding

    Weligaa ma dareentay in naftaadu jeceshahay ama ku sidkantahay cidda dhibaataysa? ma u wayday magac aad u bixiso xidhiidhka noocaas ah, xilqaddan ayaa kuu faah-faahinaysa magaca ,micnaha iyo qaabka uu u samaysmo xidhiidhka noocaas ahi. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊

  • S1 Β· E48
    Jun 26, 2023 Β· 33 min

    Ep:48; Darreemmo- Ku Hafasho |Sensory Overload

    Weligaa ma dareentay inaad dareemahaaga ku hafanaysid? sidee ayaad u maaraysay dareen-ku hafashada? Xilqaddan ayaynu maaraynta dareen ku hafashada kaga hadlaynaa, dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊

Showing 1–20 of 20 episodes