Skip to content
Artwork for Maamul Wanaag

Maamul Wanaag

Somali Public Agenda

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast. 

Play
  • 20 episodes
  • fortnightly
  • Avg 1 hr 1 min
  • English
  • #78
    August 5 · 1 hr 6 min

    Nooca Doorasho ee Golaha Midnimada, Doodaha Dhinacyada & Doorka Beesha Caalamka

    Bishii Luulyo, waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka dhacay dhowr wareeg oo wada-hadallo heer farsamo ah oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka. Beesha caalamka ayaa ku lahayd door dhexdhexaadin. Dowladda Federaalka iyo saddex garab oo mucaarad ah—GolahaMustaqbalka, Golaha Midnimada, iyo Nabad & Nolol—ayaa soo bandhigay noocyada doorasho ee ay u arkaan inay ku habboon yihiin doorashada baarlamaanka federaalka ee xiga ee Soomaaliya. Qeybta 78-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Raysal Wasaare CumarCabdirashiid Cali Sharmaarke—oo laba jeer soo noqday Raysal Wasaare, musharrax Madaxweyne ahaa sanadkii 2017, haddana ah hoggaamiyaha Golaha Midnimada—ayaa ku gorfeynaya arrimaha doorashooyinka, aragtida mucaaradka, nooca doorashada ee Golaha Midnimada, kaalinta dhexdhexaadin ee beesha caalamka, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #77
    July 19 · 1 hr 7 min

    Doorasho Noocee Ah Ayaa Ku Habboon Soomaaliya Wakhtigan?

    Waxaa Muqdisho ka socda shirar dhexdhexaadin ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka federaalka Soomaaliya. Shirarradan, oo ay dhexdhexaadinayaan Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay, ayaa dowladda federaalka iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ku soo bandhigeen noocyada doorashooyinka ee ay kala doorbidayaan. Qeybta 77-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo ah bare sare iyo cilmibaare ka tirsan City University of Mogadishu, waxay ku falanqeynayaan afarta nooc ee doorashooyinka iyo habka ugu habboon ee wakhtigan lagu soo dooran karo xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo iyaguna dooran doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #76
    July 16 · 57 min

    Nooca Doorashada ee Nabad & Nolol iyo Wada-xaajoodyada Doorashooyinka Soomaaliya

    Bishan Luulyo, waxaa mar kale Muqdisho ka bilowday shirar heer farsamo ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka. Shirarkan waxaa garwadeen iyo dhexdhexaadiyeyaal ka ah beesha caalamka, gaar ahaan Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ayaa kulamadan ku soo bandhigay aragtidooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka, iyadoo dhinac walba uu soo bandhigay nooca doorashada ee uu doorbidayo. Qeybta 76-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Mohamed Abdirazak, oo hoggaaminaya guddiga wada-hadallada ee Nabad & Nolol, waxay ku gorfeynayaan xaaladda guud ee shirarka socda, doorka dhexdhexaadinta beesha caalamka, iyo nooca doorashada ee uu soo jeediyay guddiga Nabad & Nolol. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #75
    July 5 · 1 hr 37 min

    Qiimeyn: 66 Sano Kadib Xorriyadda – Halkee Maraysaa Dowladnimada Soomaaliya?

    Soomaaliya waxa ay u dabaaldegtay 66 sano-guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda ka qaadatay gumaystayaashii reer Yurub, isla markaana la aasaasay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee ugu horreysay. Sagaal sano kadib, taliskii militariga ayaa talada dalka la wareegay. Burburkii dowladdii dhexe kadib, Jamhuuriyadda Saddexaad ayaa dib loogu yagleelay Shirkii Carta ee dalka Jabuuti. Lixdan iyo lix sano kadib aas-aaskii Jamhuuriyaddii Koowaad, Soomaaliya waxay weli wajahaysaa caqabado waaweyn oo la xiriira dhismaha iyo xoojinta dowladnimada. Qaybtan 75-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Dr. Saadaq Eenoow waxay ku gorfeynayaan 66 sano-guurada xorriyadda Soomaaliya, safarka dowladnimada, caqabadaha weli horyaalla, iyo halka ay maanta marayso dowlad-dhiska Soomaaliya. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #74
    June 18 · 50 min

    Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka: Maxaa Ka Soo Bixi Kara?

    Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo adag. Muddadii afarta sano ahayd ee dowladda federaalka waxa ay ku ekayd 15-kii May 2026, balse ka hor inta aanu waqtigu dhammaan ayaa wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka. Dastuurka cusub waxa uu muddo-xileedka hoggaanka dowladda ka dhigay 5 sano, waxa ayna madaxda dowladdu sheegeen in uu u harsan yahay hal sano. Mucaaradka waxa ay kasoo horjeedaan wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo muddo-xileedka la beddelay. Dibadbaxyo ay mucaaradku qorsheeyeen iyo dowladda oo is-hortaagtay ayaa cakiray xaaladda Muqdisho. 3-dii ilaa 4-tii June dagaal u dhexeeya labada dhinac ayaa ka dhacay Muqdisho. Hadda waanwaan ayaa socota. Qeybtan 74-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Cabdiraxmaan Caynte—Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor iyo Guddoomiyaha Midowga Xaqsoor iyo Haybad Qaran—waxay si qoto dheer u gorfeynayaan xaaladda dalka, asalka khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, wadahadallada socda, iyo fursadaha lagu gaari karo xal waara. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #73
    June 10 · 1 hr 39 min

    Dastuurka Federaalka Soomaaliya: Maxaa La Beddelay, Sideese Loo Ansixiyay?

    4-tii Maarso 2026, fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay wax-ka-bedelka 11 cutub oo ka mid ah dastuurka kumeelgaarka ah, sidoo kale waxaa lagu ansixiyay wax-ka-beddelka saddex qodob oo ku jira cutubka 2-aad iyo saddex qodob oo ku jira cutubka 4-aad. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dib-u-eegista dastuurka, islamarkaana nuqulka cusub uu noqon doono dastuurka rasmiga ah ee dalka. Afar maalmood ka dib, 8-dii Maarso, Madaxweynaha ayaa saxiixay dastuurka cusub. Qeybtan 73-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Avv. Burhaan Aadan Cumar, oo ah guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, waxay isla gorfeynayaan dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka, habraaca loo maray, nuxurka arrimaha wax laga beddelay iyo khilaafka ka jira. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #72
    May 26 · 1 hr 9 min

    Islaamka iyo Dowladnimada

    Dowladnimada casriga ah oo ay Soomaaliya lahayd tan iyo 1960-kii weli waa liiceysaa. Dad badan ayaa aaminsan in aan la is waafajinin dowladnimada, qabiilka & diinta. Soomaaliya oo ay dadkeedu yihiin Muslimiin 100% ayaa haddana ah dalka loo aqoonsan yahay in uu ugu musuqmaasuq badan yahay dunida. Maxaa hortaagan in la is waafajiyo diinta & dowladnimada? Qeybtan 72-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge, Agaasimaha Somali Public Agenda, iyo Dr. Cabdulqaadir Macallin Maxamed Geeddi oo ah bare jaamacadeed, waxa ay ku gorfeynayaan Islaamka iyo dowladnimada. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #71
    May 10 · 1 hr 3 min

    Maareynta Kalaguurka: Dastuurka, Doorashooyinka & Dibadbaxyada

    Muddadii afarta sano ahayd ee la doortay baarlamaanka federaalka waa dhamaatay. Sidoo kale muddadii afarta sano ahayd ee Madaxweynaha ayaa dhamaaneysa 15-ka May ee sanadkan. Weli dhinacyada heshiis kuma aha sida loo maareynayo doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo heer federaal. Qeybtan 71-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo ah mudane katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, horena u soo noqday muddo 3 jeer ah Agaasimaha Hay’adda NISA, Wasiir heer federaal ah iyo Diblomaasi, waxa ay ku falanqeynayaan maareynta marxaladda kalaguurka, dastuurka iyo doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo heer federaal. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #70
    April 16 · 1 hr 20 min

    Aragtida Dowladnimada

    Horraantii sanadkan ayaa la soo bandhigay buug cusub oo ciwaankiisu yahay “Aragtida Dowladnimada”(The Idea of a State). Buuggan waxaa qoray Xuseen Sheekh Cali oo labo jeer soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena ah guddoomiyaha Machadka Saldhig. Qeybtan 70-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xuseen Sheekh Cali, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka buugga iyo farriimaha ku jira. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #69
    March 16 · 47 min

    Wax-ka-beddelka Dastuurka iyo Maareynta Doorashooyinka Dalka

    Kadib burburkii shirkii u socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka ayaa dardargeliyay dhameystirka dib-u-eegista dastuurka. 4-tii Maarso ayuu Baarlamaanku u codeeyay 11 cutub, isagoo ku dhawaaqay in dib-u-eegistii dastuurka la soo gabagabeeyay. Afar maalmood kadib, Madaxweynaha ayaa saxiixay. Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo shiray kahor ansixinta dastuurka, ayaa diiday wax-ka-beddelka dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen in 10-ka Abriil ay qaban doonaan shirweyne looga arrinsanayo mustaqbalka dalka. Qeybtan 69-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Hon. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame — oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka isla markaana xubin ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed — waxay isla gorfeynayaan arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, doorashooyinka heer dowlad-goboleed iyo doorashooyinka heer federaal. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #68
    March 4 · 1 hr

    Rethinking Governance in Somalia: Evidence from Peace and Conflict Research

    State-building efforts in Somalia have faced persistent challenges for decades. In this episode, we speak with a leading researcher from the London School of Economics about the realities of governance in Somalia. Drawing on extensive fieldwork across the country and the conclusion of a second major research programme, we discuss how political authority is exercised, how local and national dynamics shape governance, and what recent research suggests about Somalia’s future. In this 68th episode of the Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge speaks with Dr. Nisar Majid, Research Director at the London School of Economics and Political Science (LSE) PeaceRep programme. They discuss conflict and governance dynamics in Somalia, as well as insights from the Conflict Research Programme and the PeaceRep (Peace and Conflict Resolution Evidence Platform) programme, both of which Dr. Nisar Majid has led. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #67
    February 19 · 42 min

    Mustaqbalka Howlgalka AUSSOM

    Howlgalka nabad-ilaalinta AUSSOM waxa uu Soomaaliya ka shaqeynayay tan iyo sanadkii 2007. Waa kid kamid ah howlgallada nabad ilaalin ee ugu wakhtiga dheer. Inkastoo ay jireen dadaallo kala duwan oo la doonayay in lagosoo afjarohowlgalka, weli waa shaqeynayaa. Howlgalka waa mid dalalkaMidowga Afrika ay ciidanka keeneen balse waajibaadkooda uuansixiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Howlgalka ayaa wajahaya xaalad dhaqaale xumo. Qeybtan 67aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Samira Gaid oo ah Head of Research and Policy ee BalqiisInsights, horena uga soo shaqeysay Xafiiska Raysal Wasaaraha dhanka dib-u-habeynta ciidanka, waxa ay ku falanqeynayaan mustaqbalka howlgalka AUSSOM. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • S1 · E66
    February 9 · 53 min

    Casharrada Laga Baran Karo Doorashooyinkii Dhacay 1954 ilaa 1969

    Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad doorasho. Dhawaan dadka ku nool Muqdisho ayaa qaarkood ka qeyb galay doorasho gole deegaan oo Muqdisho laga qabtay kadib muddo ka badan 55 sano. Maxaa casharro ah oo laga baran karaa doorashooyinkii dhacay kahor iyo kadib xornimadii dalka? Qeybtan 66-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & & Abukaate Maxamed Ciise Turunji, oo khabiir ku ah taariikhda & sharciyada buugaagna ka qoray, ayaa isla gorfeynaya casharrada laga baran karo doorashooyinkii dhacay muddadii u dhaxaysay 1954 iyo 1969. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • S1 · E65
    January 28 · 52 min

    Saameynta Aqoonsiga Israel ee Somaliland ku yeelan karo Somaliland, Soomaaliya & Gobolka

    Israel ayaa dhamaadkii 2025 aqoonsatay Somaliland. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday warbixin gorfeyneysa sababaha loo maleyn karo in ay keeneen aqoonsiga, iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland, Somalia & gobolka. Qeybtan 65-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge, ayaa Farxaan Isxaaq Yuusuf & Dr Aweis Ahmed, oo ka tirsan SPA islana qoray warbixinta, su’aalo ka weydiiyay nuxurka warbixinta & talooyinka ay soo jeedisay. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • S1 · E64
    January 27 · 34 min

    Hannaankii Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur & Dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960)

    Israel ayaa 25-kii Disembar 2025 aqoonsatay Somaliland. Doodda Somaliland 34-tii sano ee ugu dambeysay waxa ay ahayd in ay ahayd dal madax-banaani qaatay 26-kii Juun 1960-kii kahor inta aanu ku biirin Soomaaliya madax-bannaanidiisiina uu dib ula noqday. Su’aasha muhiimka ah ee iftiiminta u baahan waa sida uu ahaa midowga iyo hannaanka sharci ee loo maray. Qeybtan 64-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Abukaate Maxamed Ciise Turunji, oo khabiir ku ah taariikhda & sharciyada buugaagna ka qoray, ayaa isla gorfeynaya hannaankii midowga gobollada Waqooyi iyo Koonfur & dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960-kii. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #63
    Dec 22, 2025 · 44 min

    Nooca Dowladnimada Miyay Naga Baahday? Tirada Siyaasiyiinta iyo Baaxadda Hay'addaha Dowladda

    Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya oo hadda falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa dhawaan qoray labo maqaal oo ka hadlaya metelaadda iyo baaxadda hay’adaha dowladda ee heer federal iyo heer dowlad-goboleed. Maqaalka koowaad wuxuu ugu magac daray “Ma u baahan nahay 999 wakiil, 8 Madaxweyne iyo 6 Madaxweyne ku Xigeen, 1 Raisul Wasaare, 2 Raisul Wasaare Ku Xigeen, iyo 454 Wasiir?” Waxa uu ku dooday in tiradan badan ay keentay metelaad xumi, culays dhaqaale, adeeg xumi iyo isla xisaabtan la’aan. Maqaalka labaad waxa uu kaga hadlay in ay dalka ka jiraan in ka badan 340 hay’adood oo dowli ah oo oo qabta howlo isku mid ah. Waxa uu su’aal ka keenay tirad badan ee siyaasiyiinta iyo hay’adaha dalka ka jira. Qeybtan 63-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa ku gorfeynaya nuxurka labada maqaal, sababaha ku dhaliyay in uu qoro, iyo xalka. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #62
    Dec 3, 2025 · 1 hr 11 min

    Jamhuuriyadda Saddexaad 25 Sano Kadib Shirkii Nabadda ee Carta

    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Shir lagu maamuusayo sanadguuradaas ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Carta. Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya rubuc qarni kadib weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan. Qeybtan 62-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow, oo ah Lataliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, ayaa ku gorfeynaya jamhuuriyadda 3-aad 25 sano kadib. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #61
    Nov 6, 2025 · 47 min

    Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran

    Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda waa hoggaamiyaha urur siyaasadeed 6-dii September la diiwaangeliyay oo qorsheynaya in uu ka qeyb galo doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheynayo in ay dhawaan qabsoomaan. Qeybtan 61-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo Raysal Wasaare soo noqday labo jeer, sidoo kalena sanadkii 2017 ahaa musharrax Madaxweyne, waxa ay isla gorfeynayaan maareynta doorashooyinka Soomaaliya iyo caqabadaha ku xeeran. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #60
    Oct 29, 2025 · 45 min

    Aqoonsi-u-raadinta Somaliland & Dadaallada Dowlad-dhiska Soomaaliya

    Dalka Mareykanka waxaa ka socda dadaallo lagu raadinayo in uu Mareykanka u aqoonsado Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Dhanka kale dowladda federaalka ayaa wadda dadaallo loogasoo horjeedo in ay Somaliland ka go’do Soomaaliya. Qeybtan 60-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Feysal Rooble, oo ah aqoonyahan, falanqeeye & xubin katirsan Golaha Sare ee PDRC, waxa ay isla gorfeynayaan mustaqbalka Somaliland iyo guud ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #59
    Oct 9, 2025 · 1 hr 14 min

    Nidaamka Metelaadda Beelaha ee 4.5 & Xilalka Sarsare ee Soomaaliya

    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad magaalada Carta ee dalka Jabuuti. 4.5 in awoodaha loo qeybsado waxa ay kamid ahayd tiirarkii lagu dhisay dowladdaas. Inkastoo loo arkayay in muddo kooban kadib laga gudbi doono, 4.5 weli waa halbeegga metelaadda beelaha ee dowladda. Qeybtan 59-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdi Kusow, oo ah cilmibaare iyo bare jaamacadeed oo muddo wax ka qorayay arrimaha Soomaaliya & arimaha bulshada, sidoo Kalena sanadkii 2022 u tartamay madaxweynaha Soomaaliya, waxa ay ku gorfeynayaan metelaadda beelaha ee xilalka sare ee dalka. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Showing 1–20 of 20 episodes