Skip to content
Artwork for Codka Ubax
ArtsSociety & CultureLeisure

Codka Ubax

Ismaaciil C Ubax

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

Play
  • 125 episodes
  • Avg 36 min
  • Somali

Support the show

Goes straight to the publisher. podnod takes nothing.

Counted on this page — what you have heard stays on this device, so it is not something the list can be paged by.
  • S2 · E14
    Oct 30, 2020 · 16 min

    SE02EP14 Difaaca Nebiga

    Send us Fan Mail Waxa dunida maanta ka jira olole lagu ceebaynayo Nebigeenna Muxammad ﷺ. Waa muhiim in laga dhiidhiyo, laakiin waa sidee habka ugu wanaagsan ee Nebiga ﷺ loogu hiiliyaa? Dhegaysi wacan. Support the show

    • Transcript
  • S2 · E13
    Oct 23, 2020 · 23 min

    SE02EP13 Cisbitaalka Jacaylka

    Send us Fan Mail Qofku marka uu jidhka ka bukoodo, cisbitaalka ayuu tagaa, daawooyinna ka soo qaataa. Haddii se jacayl ku xumaado, halkee la tagaa? Cisbitaalka Jacaylka kaftan ayaan u haystay, dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S2 · E12
    Oct 16, 2020 · 38 min

    SE02EP12 Sucaad Carmiye

    Send us Fan Mail Isbeddel kasta oo bulshada ku cusubi waxa uu la kulmaa cadaadis iyo cabbudhin. Sucaad Carmiye Odowaa waxa ay go'aansatay in ay halgan u gasho waxa ay aaminsan tahay oo ah xuquuqda dhallinyarada iyo haweenka. Waxa ay u sharraxan tahay xubin baarlamaan oo Somaliland ah. Sidee looga falceliyay go'aankeeda, sidoo kale waa maxay sababta ay halgankaas ugu badheedhay, maxaa se ka dhexeeya Sucaad iyo Saado Cali? Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S2 · E11
    Oct 10, 2020 · 44 min

    SE02EP11 Abwaan Khaliif Faarax Xayir & Socdaalkii Dheeraa

    Send us Fan Mail Abwaan Khaliif Faarax Xayir isaga oo yar ayuu gurigoodii ka tegay, waa dalmar soo arkay dhul tiro badan oo dalka iyo debeddiisaba ah. Nolol wejiyo badan leh ayuu soo maray, waxa se mar kasta wehelkiisa ahaa halabuurkiisa iyo suugaanta uu ka curinayo xilliyada qallafsan iyo kuwa ladanba. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S2 · E10
    Oct 2, 2020 · 38 min

    SE02EP10 Ayaan Axmed Caydiid & Suugaanteeda Jacaylka

    Send us Fan Mail Dumarka suugaanyahanka ahi way kooban yihiin, sidoo kale kuwooda jacaylka ka maansoodaa waa dhawr. Ayaan Axmed Caydiid "Kaaba", waa halabuur suugaanteedu dhaliso hadalhayn joogto ah. Waa maxay sababtu? Dhegaysi wacan. Support the show

    • Transcript
  • S2 · E9
    Sep 25, 2020 · 16 min

    SE02EP09 Dhal Wadaad La Moodyey

    Send us Fan Mail Tabaha xidhiidhka bulshadu waxa uu la jaanqaadaa hadba casriga la joogo. Sida maanta looga wada hadlo telefoonnada iyo internetka, berigii hore loo ma aqoon. Sidee waalidkeen u xidhiidhi jirey, ma soo gaadhay se wakhtigii jacaylkaaga loo qori jirey waraaqo ay ku sawiran yihiin wadnayaal waaweyni? Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S2 · E8
    Sep 18, 2020 · 46 min

    SE02EP08 Abwaan Siddiiq Burmad

    Send us Fan Mail Abwaan Siddiiq Maxamed Burmad waxa laga yaabaa in aad codkiisa ka maqashay BBC Somali oo uu uga warramo Hargeysa. Waxa kale oo codkiisa si aan toos ahayn aad uga maqashay fannaaniin badan. Waa abwaanka sameeyay heesaha ay ka midka yihiin, Been Go’ Lagu Deday, Xalaawatulaws, Caashaqu Danguud Maaha, Qaaddiraw Allahayow, Dhulkaagaa Lagu Hodmaa iyo qaar kale oo badan. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S2 · E7
    Jul 25, 2020 · 22 min

    SE02EP07 Tufaaxii Aan Tirsaday

    Send us Fan Mail Weli qof aad si kedis ah u kulanteen, dabeecaddiinuna is fahantay, weliba aad iska hesheen, ma is weydeen markiiba, sidaasna ma ku kala lunteen. Cumar Seerbiya ayaa markii u horreysay u safray Jabuuti, jidka waxa ay sii wada mareen Sahra. Iyaga oo isku faraxsan ayay kala lumeen markii ay xadka Jabuuti gaadheen. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S2 · E6
    Jul 18, 2020 · 32 min

    SE02E06 Halgankii SYL Noocee Ayuu Ahaa?

    Send us Fan Mail Ururrada gobanimadoonka ee Soomaalidu way badnaayeen. In badan waxa laga hadlaa SYL oo lagu sheego in ay ahayd hormoodka ururradaas. Maxaa ka jira, halgan noocee ah ayay se gashay? Waxa aan kala sheekaystay qoraa Sayid Axmed Dhegey oo ku nool dalka Sweden, buugaag dhawr ahna ka qoray sooyaalka Soomaalida. Support the show

    • Transcript
  • S2 · E5
    Jul 10, 2020 · 22 min

    SE02EP05 Farshaxanka Munira Yussuf

    Send us Fan Mail Munira Yussuf waa farshaxan wax ku sawirta kombiyuutarka "Digital Artist". Waxsoosaarka Munira ayaa aad looga bartay dalka Sweden iyo qaaradda Yurub oo dhan muddooyinkii u dambeeyay. Munira waxa hore loogu diiday in loo qaato qaar ka mid ah dugsiyada farshaxanka lagu dhigto ee dalka Sweden, maantana dugsiyadii laftoodii ayaa soo dalbanaya in ay farshaxankeeda ku soo bandhigto iskuulladaas. Support the show

    • Transcript
  • S2 · E4
    Jun 21, 2020 · 27 min

    SE02EP04 Waayihii & Waxqabadkii Maxamed Baashe X. Xasan

    Send us Fan Mail Maxamed Baashe X. Xasan waxa uu ku geeriyooday magaalada London, maalintii Khamiistii, 18-kii June 2020. Maxamed waxa uu ahaa qoraa/suxufi/halgamaa jecel horumarinta afka iyo dhaqanka oo uu waxsoosaar badan ku darsaday, sidoo kale waxa uu ahaa qof aragti ku socda oo aan fikirkiisa la baqan. Shakhsiyaddiisii iyo waxsoosaarkiisii waxa ka warramaya qaar ka mid ah asxaabtiisii, Cabdi Faarax Juxa, Rashiid Sh. Cabdillaahi, Saynab Daahir, Boodhari Warsame iyo Xamda Cigaal. Alle ha u naxariisto. Support the show

    • Transcript
  • S2 · E3
    Jun 13, 2020 · 24 min

    SE02EP03 Waa Layga Guursaday 1

    Send us Fan Mail Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Laba ka mid ah sheekooyinkii ugu saamaynta badnaa taxanihii la odhan jirey #WaaLaygaGuursaday ayaynu qaybtan ku eegaynaa. Support the show

    • Transcript
  • S2 · E2
    Jun 5, 2020 · 12 min

    SE02EP02 1979: Kulankii Aniga & Cabdi Tahliil

    Send us Fan Mail Alle ha u naxariisto fannaankeennii weynaa ee Cabdi Tahliil Warsame. Muddo 20 sanno ah oo uu xanuunsanayay ka dib, 5-tii Juun ee 2020-ka ayuu geeriyooday fannaanku. Waxa aan anigu ku xasuusanayaa kulan na dhex maray 1979-kii, aniga oo aan weli dhalan. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S2 · E1
    May 29, 2020 · 9 min

    SE02EP01 Ujeeddada Mahadnaqa

    Send us Fan Mail Caqabadaha nolosha kula soo gudboonaada oo dhan, waxa lagaga gudbi karaa dhabaradayg iyo samir. Kuwaas wasa sees u ah mahadnaqa Eebbe. Qaybta barnaamijkan oo ah bilowga Season 2 ama Kalka 2-aad, waxa aynu ku eegi doonnaa muhiimadda mahadnaqu u leeyahay qofka. Support the show

    • Transcript
  • S1 · E12
    Apr 17, 2020 · 31 min

    SE01EP12 Su'aalaha Dhegaystaha 1

    Send us Fan Mail Su'aalo badan oo ay dhegaystayaashu soo weydiiyeen daaddihiyaha Codka Ubax ayaa barnaamijkan sal u ah. Amina-Isir ayaa qaybtan gadhwadeen ka ah. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S1 · E11
    Apr 10, 2020 · 46 min

    SE01EP11 Fathia Absie

    Send us Fan Mail Bulshooyinka Soomaalidu aad ayay jacaylka u qaddariyaan, una weyneeyaan dhanka fanka iyo suugaanta marka ay tahay. Balse nolosha caadiga ah, isku si uga ma muuqato dhaqankeenna. Waa maxay sababta jacaylka looga xishoodaa, dadka is qabana aan looga dareemin? Fathia Absie ayaan kala sheekaystay su'aashan iyo kuwo kaleba. Support the show

    • Transcript
  • S1 · E10
    Mar 27, 2020 · 26 min

    SE01EP10 Dhaqanka Akhriska ee Sweden

    Send us Fan Mail Sweden waxa ay aaminsan tahay, ardayga haddii aan afkiisa hooyo lagu barin iskuulka, afafka kalena wax hagaagsan ka baran maayo. Sidee ayay bulshada Soomaalida ee reer Sweden uga faa'idaystaan fursaddan? Waxa aan la sheekaystay Qoraa Musa Dalmar oo qora buugaagta carruurta, soona turjuma kuwa dhiggooda ah ee Swedish-ka ah. Support the show

    • Transcript
  • S1 · E9
    Feb 29, 2020 · 34 min

    SE01EP09 Carruur Cag Weyn 2

    Send us Fan Mail Waa sidee xaaladda qoysaska Soomaalida ah ee deggan Sweden? Waxa aan kala sheekaystay Khadra iyo Hana. Support the show

    • Transcript
  • S1 · E8
    Feb 21, 2020 · 16 min

    SE01EP08 Sihaam Muumin

    Send us Fan Mail Waxbarashadu waxa ay ka mid tahay tiirarka horumarka ee ugu waaweyn. Sihaam waxa ay heshay deeq waxbarasho oo Maraykanka ah, maantana waxa ay ka shaqaysaa arrimaha bulshada. Waxa aannu bun ku wada cabnay makhaayad ku taalla Hargeysa, goor ay wax u dhigaysay hablo da' yar. Support the show

    • Transcript
Showing 101–120 of 125 episodes