Skip to content
Artwork for Adeeg Wanaag
GovernmentEducation

Adeeg Wanaag

Somali Public Agenda

Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.

Play
  • 20 episodes
  • Avg 47 min
  • English
  • #47
    July 28 · 52 min

    Saameynta Caafimaad ee Ka Dhalata Isticmaalka Dawooyinka Midabka Doorriya

    Daraasado laga sameeyey Soomaaliya iyo waayo-aragnimo nololeed ayaa lagu ogaaday in dumarka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan kala kulmaan isticmaalka kareemada la isku caddeeyo. Waxyeellooyinka ka dhasha isticmaalka dawooyinkan kuma koobna oo keliya dhibaatada ay u geystaan jirka, balse waxay sidoo kale saameyn taban ku yeeshaan caafimaadka maskaxda. Qeybtan 47-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farhia Mohamud, iyo Shukri Ali Mohamed (Shukri Fiican) oo ka hadasha arrimaha caafimaadka gaar ahaan daryeelka jirka iyo cunnooyinka, waxa ay ku falanqeynayaan saameynta caafimaad ee ka dhalata isticmaalka dawooyinka midabka doorriya. Qeybtan 47-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farhia Mohamud iyo Shukri Ali Mohamed (Shukri Fiican), oo falanqeysa arrimaha caafimaadka, gaar ahaan daryeelka jirka iyo nafaqada, waxay ku falanqeynayaan saameynta caafimaad ee ka dhalata isticmaalka dawooyinka midabka doorriya. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #46
    June 8 · 1 hr 7 min

    Jaamacadda SIMAD iyo Kaalinteeda Adeegga Tacliinta Sare ee Dalka

    Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa la furay jaamacado gaar loo leeyahay kuwaas oo dadaal ku bixiyey sidii ay u dabooli lahaayeen booskii hay’adaha waxbarashada ee dowladda. Tirada jaamacadaha Soomaaliya waxay hadda kor u dhaafayaan 130 jaamacadood. Jaamacadda SIMAD waxa ay ka mid tahay jaamacadihii ugu horreeyey ee la furay burburkii kadib, iyada oo soo saartay ku dhawaad 8,500 oo arday. Qeybtan 46-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Dr. Aweis Ahmed, iyo Dr. Abdikarim Mohaidin Ahmed oo ah guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan adeegga tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan Jaamacadda SIMAD iyo kaalinteeda ku aadan horumarinta adeegga tacliinta sare ee dalka. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #45
    May 6 · 29 min

    Reer Miyiga Sidee Ayay U Maareeyaan Abaaraha?

    Dhammaadka sanadkii hore, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad abaareed in uu dalku galay, kadib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta, iyo xilliga kuleylaha jiilaalka ee ka dambeeyay. In ka badan 5 milyan oo qof ayaa la sheegay in ay abaartu saameysay. Hay’adda Ground Truth Solutions, ayaa warbixin dhawaan ka qortay saameynta abaarta, hababka bulshooyinku ula tacaaleen, iyo sida ay tahay haya’daha ka shaqeeya arrimahan in ay u wajahaan. Qeybtan 45-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Nasra Hussein Abdi oo iskuduwe ka ah Ground Truth Solutions, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka warbixintaas iyo talooyinkii la soo jeediyey. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #44
    April 7 · 1 hr 1 min

    Sidee u shaqeeyaa adeegga lacag-bixinta degdegga ah?

    Inkastoo ay Soomaaliya horumar ka sameysay adeegga bangiyada iyo shirkadaha kale ee ka shaqeeya arrimaha lacagaha, haddana dadweynaha iyo ganacsatada waxa ay culeys ku qabeen in lacagaha la isaga kala diri karin bangiyada iyo shirkadaha maaliyadda dhexdooda. Shirkadda Somali Payement Switch ayaa la sameeyay si ay u fududeyso adeegga lacag dirista iyo wax kala iibsiga, iyadoo la adeegsanayo bangiyo kala duwan. Qeybtan 44-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Cabdullahi Biixi Xuseen oo ah Maareeyaha Somali Payment Switch,waxa ay ku falanqeynayaan adeegyada kala duwan ee ay qabato shirkadda Somali Payment Switch iyo sida ay u fududeyso adeegga lacag bixinta degdegga ah. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #43
    March 13 · 32 min

    Sidee Loo Kordhin Karaa Dakhliga Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?

    Degmada Cadaado waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo maamul iyo hay’ado shaqeeya yeesha. Dowaldda hoose ee degmadu waxa ay qaaddaa canshuur kala duwan, si ay adeegyo kala duwan ugu qabato. Hase ahaatee, maamulka degmada ayaanan soo xareeyn canshuur ku filan, sababo kala duwan awgood. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida loo kordhin karo Dakhliga Canshuuraha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?” ayadoo la adeegsanayo habka cilmibaaris ee loo qayaanno Local Strategies Research (LSR) iyo hannaanka Evidence-Based Policy Design. Qeybtan 43-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Farhia Mohamud oo ah cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda sidoo kalena hormuud u aheyd cilmibaarayaasha daraasadaas, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasaddaas iyo waxyaabihii lagu ogaaday. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #42
    March 2 · 36 min

    Sidee Hay’adda Dhowrista Xogta ugu Adeegtaa Muwaaddiniinta Soomaaliyeed?

    Xogaha kala duwan ee muwaadiininta ku saabsan waxaa gacanta ku haya hay’ado kala duwan, kuwaas oo dowli ah ama aan dowli aheyn. Waxaa lagama maarmaan ah in xogahaasi aan loo adeegsan si ka baxsan inta sharcigu oggol yahay. Qeybtan 42-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Maxamed Nuur Colow, oo ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ee Soomaaliya, waxa ay ku falanqeynayaan kaalinta Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed, oo ah haya’dda ku shaqada leh howlaha xog dhowrista iyo sida ay howlaha iyo adeegyada xog dhowrista ah uga shaqeyso. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #41
    January 22 · 38 min

    Af Soomaaliyeynta Erayada Loo Adeegsado Garaad-Gacmeedka (AI)

    Adeegsiga Artificial Intelligence ama Garaad Gacmeedka ayaa dunida aad ugu baahay sanadihii ugu dambeeyay. Soomaaliya, Garaad Gacmeedka waxaa loo aadgsadaa qeybo kala duwan. Sidaas oo ay tahay, ereyada Af Soomaaliga ah ee la xirriira Garaad Gacmeedka aad uma horumarsana. Dhawaanahan waxaa jiray dadaallo lagu horumarinayo turjumidda erayda la xiriira Garaad Gacmeedka ama AI, waxaana ka shaqeynayay aqoonyanno kala duwan. Qeybtan 41-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Aweis Ahmed, Dr. Peter Chonka oo bare sare ka ah Jaamacadda King's College ee London, iyo Maxamed Cabdimaalik oo ah madaxa hay’adda Jaantus oo ka shaqeysa horumarinta warbaahinta, waxa ay ku falanqeynayaan dadaallada la xririira Af Soomaaliyeynta erayada loo adeegsado Garaad Gacmeedka. Dr Peter & Maxamed waxa ay shaqeynayeen mashruuc Af Soomaali loogu turjumayo erayda la xirrira AI. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #40
    Dec 8, 2025 · 1 hr 6 min

    Muxuu ka Shaqeyn Doonaa Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka?

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee dalka, kaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka. Qeybtan 40-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Prof. Cabdinur Sh. Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga, hore na u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare eee dalka, waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan howlaha tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan howlaha horutabinta leh ee guddigu ka shaqeyn doono. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #39
    Nov 17, 2025 · 1 hr

    Culeysyada Ka Jira Qaadashada Kaarka Aqoonsiga & Sida Hay’adda NIRA u Maareyso

    Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (NIRA) ayaa waxa ay ku howlaneyd in muddo ah bixinta karaarka aqoonsiga dadweynaha. Balse dhowrkii bil ee ugu dambeeyay waxaa jirtay in dadweynuhu aad ugu xoomeen qaadashada kaarka, halkaasoo culeysyo kala duwan ay la kulmeen dadweynaha kaarka dalbanayay iyo howlwadeennada Hay’adda. Qeybtan 39-aad ee Adeeg Wanaag, Aweis Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Juuni, oo ah agaasimaha Waaxda Howlgelinta ee hay’adda NIRA, waxa ay ku falanqeynayaan waxyaabaha sababay dadweynuhu in ay isku ciriiriyaan qaadashada kaarka aqoonsiga, culeysyada soo kordhay, sida Haya’ddu ay u maareysay illaa iyo hadda iyo waxa uga qorsheysan in la fuddudeeyo qaadashada kaarka. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #38
    Sep 16, 2025 · 28 min

    Xaaladda Caruurta aan Dugsiyada Aadin ee Muqdisho & Sida Lagu Xallin Karo

    Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo. Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasadda, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasadda iyo waxyaabihii lagu ogaaday. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #37
    Sep 8, 2025 · 43 min

    Adeegyada Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga

    Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka reer miyiga ah. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa barakac ku ah gudaha dalka. Hay’adaha dowaliga ah, sida Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah. Qeybtan 37-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Dr. Aweis Ahmed iyo Zahra Abdi Mohamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, waxa ay ku falanqeynayaan howlaha la xiriira xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah iyo horumarinta reer miyiga. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #36
    Aug 25, 2025 · 47 min

    Duruufaha Dhaqaale ee Dalk Ka Jira & Sida loo Maareyn karo

    Duruufaha dhaqaale ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed guudahaan ay wajahayaan, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Benaadir ayaa sii xoogeysanaya. Duruufahaas oo nuucyo kala duwan leh, sababo kala duwanna lala xiriirin karo, waxa ay saameyn ku yeesheen bulshada qeybaheeda hoose. Qeybtan 36-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed iyo Prof. Yaxye Caamir, waxa ay ku falanqeynayaan duruufahaas dhaqaale, waxa sababaya iyo sida lagu maareyn karo. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #35
    Jul 28, 2025 · 1 hr 1 min

    Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan

    Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax-bannaan oo noocyo kala duwan leh, taas oo marxalado kala duwan soo martay, isla markaana duruufo adag ku soo shaqeysay. Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa waxa ay adeegyo kala duwan u qabataa muwaaddiniinta Soomaaliyeed. Qeybtan 35-aad ee Adeeg Wanaag podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed, iyo Faarax Nuur oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, waxa ay ku falanqeynayaan adeegyada kala duwan ee warbaahinta madaxa-bannaan u qabato dadweynaha, caqabadaha ku gedaaman iyo mustaqbalka warbaahinta ee sanadaha soo socda. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #34
    Jun 11, 2025 · 33 min

    Barakacayaasha iyo Kaalintooda ku Aaddan in Xal Waara Loo Helo Barakaca

    Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka. Dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida Xal Waara Loogu Heli Karo Dib-u-dejinta Dadka Barakacayaasha ah” ayadoo la adeegsanayo hababka ay bulshada isku abaabulaan, isugu tashtaan, islamarkaana ay ugu adkeystaan duruufaha kala duwan ee barakacu sababay. Qeybtan 34-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare ka tirsan SPA sidoo kalena hormuud u aheyd cilmibaaristan ayaa ku falanqeynaya nuxurka daraasaddaas iyo waxyaabihii lagu ogaaday. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #33
    May 20, 2025 · 47 min

    Sababaha Shaqo La’aanta Dhallinyarada iyo Sida Loo Maareyn Karo

    Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dadweynahooduay dhallinyaro u badan yihiin. Waxaa la sheegaadadweynaha Soomaaliya in ka badan 70 boqolkiiba in ay dhallinyaro yihiin. Dhallinyaradaas waxaa saameyn weynku yeesha shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta. Qeybtan 33-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, AgaasimahaSPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Marwo Bahjo Shuuriye oo ah Agaasimaha SIMAD iLab, waxa ay kufalanqeynayaan guud ahaan shaqo la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan saameynta ay dhallinyarada ku leedahay iyosida lagula tacaali karo karo. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • #32
    Mar 11, 2025 · 45 min

    Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer)

    Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) waxaa la aaminsan yahay inuu yahay mid kamid ah isbitaallada ugu casrisan dalka, islamarkaana bixiya adeegyada ugu badan ee caafimaad ee Soomaaliya. Qeybtan 32-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Maxamed Xuseen Ashraf, oo ah agaasimaha isbitaalka Erdogan, ayaa ku falanqeynaya adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka Difger. #SPAPodcasts #AdeegWanaagPodcast #AdeegWanaag #SomaliPublicAgenda Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • S1 · E31
    Feb 18, 2025 · 40 min

    Waxqabadka Dowladda Hoose ee Degmadda Cadaado & Caqabadaha ku Gedaaman

    Degmada Cadaado ee dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee gole deegaan yeesha. Golaha deegaanka iyo maamulka degmadaas oo muddo-xiloodkii loo doortay kala-bar qaatay, maxaa u qabsoomay, caqabadaha heystase maxay yihiin? Qeybtan 31-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Axmed & Faarax Diiriye Warsame, oo ah guddoomiyaha degmada Cadaado, ayaa ku falanqeynaya howlaha maamul, adeeg bixin iyo isla-xisaabtan ee degmada Cadaado. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • S1 · E30
    Feb 6, 2025 · 1 hr 11 min

    Waa Sidee Adeegga Caafimaadka Hooyada & Dhallaanka ee Isbitaalka Benaadir?

    Adeegga caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan midka hooyada iyo dhallaanka waxa uu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dalka. Waxaa la sheegaa Soomaaliya in ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya oo ay hooyada iyo dhallaanku u geeriyoodaan daryeel la’aan. Qeybtan 30-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Axmed iyo Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir, waxa ay ku falanqeynayaan adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaal Benaadir, kaas oo kaalin weyn ka ciyaara daryeelka hooyada iyo dhallaanka. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • S1 · E29
    Jan 28, 2025 · 47 min

    Dib-u-eegista iyo Hagaajinta Adeegga Garsoorka iyo Hay’adaha Cadaaladda

    Adeegga garsoorku waxa uu udub-dhexaad u yahay adeegyada kala duwan ee ay dowladuhu bixiyaan. Burburkii dowladii dhexe kadib, hay'adaha garsooku waxay ku jireen marxalad soo kabasho ah. Qeybtan 29-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Avv. Daahir Maxamed Cali, oo ah qareen, bare jaamacadeed, tababare sharci, sidoo kalana ah Xoghaya guud ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo aasaasaha iyo guddoomiyaha Madasha Garyaqaannada Soomaaliyeed, waxa ay ku falanqeynayaan sida dib-u-eegis iyo hagaajin loogu sameyn karo adeegga garsoorka dalka iyo hay’adaha cadaaladda. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

  • S1 · E28
    Dec 24, 2024 · 36 min

    Teknoolojiyadda Casriga ah iyo Fududeynta Adeegyada Dowladda

    Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo macanaheedu yahay in adeegyada dowladda la bixiyo iyadoo la adeegsanyo hannaan electronic ah. Qeybtan 28-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Dr. Yaxye Abukar Axmed oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Jaamicadda SIMAD, sidoo kalena ah khabiir ku takhasusay arrimaha teknoolojiyadda, waxa ay ku falanqeynayaan E-government, heerka isticmaalka E-government ee dowladda, caqabadaha ku gedaaman adeegsiga E-government-ga ee Soomaaliya iyo sida caqabadahaas looga gudbi karo. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Showing 1–20 of 20 episodes